Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabo hor leh oo dhanka tignoolajiyadda ah. Waxay bilaabeen in xogta dhaqaalaha rasmiga ah lagu daabaco blockchain. Tani waxay ka dhigeysaa Mareykanka dalkii ugu horreeyay ee xogta dhaqaalaha ee muhiimka ah ka dhigaya on-chain, taas oo ah hab lagu keydiyo xog aan la beddeli karin, lana heli karo si furan.

Xogta Dhaqaalaha ee Mareykanka Oo Lagu Daabacayo Blockchain-ka (On-Chain)

Dowladda Mareykanka waxay hadda bilaabeysay in ay xogta dhaqaalaha ee muhiimka ah ku daabacdo blockchain. Tani waxay ka dhigeysaa xogta mid on-chain ah, taasoo si toos ah loogu heli karo barnaamijyo maaliyadeed iyo dadweynaha guud.

Xogaha dhaqaalaha ee hadda lagu daabacayo blockchain waxaa ka mid ah:

GDP (Gross Domestic Product) Wax-soo-saarka guud ee gudaha dalka

PCE Price Index Tusmada sicirka kharashaadka macaamiisha

Real Final Sales to Private Domestic Purchasers Iibka dhabta ah ee macaamiisha gudaha ee Mareykanka

Xogtan waxaa si rasmi ah u bixiya Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha ee Mareykanka (BEA). Si kastaba ha ahaatee, halkii lagu daabici lahaa kaliya website-yada dowladda, hadda waxaa lagu kaydinayaa blockchain-ka si loo hubiyo:

Hufnaan dheeraad ah  Xogta waa la heli karaa waqti kasta

Kalsooni sare  Lama beddeli karo mar haddii la daabaco

Helitaan furan  Waxaa si toos ah u adeegsan kara codsiyo maaliyadeed casri ah

Waa maxay sababta loogu wareegay blockchain?

Habka soo jirenka ee lagu daabaco xogta dowladda wuxuu ku tiirsanaa website-yada dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, xogtaas ma aysan ahayn mid sahlan in si toos ah loogu isticmaalo barnaamijyada maaliyadeed casriga ah.

Iyadoo la adeegsanayo blockchain, xogta:

Waxaa heli kara barnaamijyada DeFi

Lama beddeli karo marka la daabaco (immutable)

Si toos ah ayaa loogu dari karaa smart contracts

Tani waxay suurtogal ka dhigi kartaa in bangiyada, shirkadaha fintech, iyo suuqyada saadaasha ay si buuxda u adeegsadaan xogta dowladda iyagoo aan sugin war saxaafadeedyo ama PDF files.

Chainlink iyo Pyth Labo Shirkadood oo Fure u ah Isbeddelkan

Mashruucan waxaa fulinaya laba adeeg bixiyaal oo caan ku ah blockchain:

Chainlink

Chainlink waxay xogta ka qaadataa BEA waxayna ku daabacdaa blockchain-ka iyadoo la adeegsanayo hab loo yaqaan cryptographic hash anchoring. Tani waxay xaqiijineysaa in xogta aysan noqon karin mid la beddeli karo.

Pyth Network

Pyth waxay si toos ah u siisaa xogta in ka badan 100 blockchain, iyada oo adeegsaneysa shabakado casri ah. Waxay sidoo kale si joogto ah ula socotaa isbeddelka xogta si loola jaanqaado suuqyada waqtiga-dhabta ah.

Maxaay faaido ah oo ay leedahay ?

Tallaabadan waxay leedahay faa’iidooyin badan

Daahfurnaan Dadweynaha waxay si sahlan u xaqiijin karaan xogta

Isla xisaabtan   Hay’adaha lama dafiri karo xog aan la beddeli karin

Fursado horumarineed  Barnaamijyada maaliyadeed waxay si toos ah ula falgeli karaan xogta

Sidoo kale, ardayda, cilmi baarayaasha, iyo ganacsatada waxay heli doonaan xog rasmi ah oo la isku halleyn karo  iyadoon loo baahnayn in laga baadi goobo ilo kala duwan.

Waa maxay ujeeddada dhabta ah?

Ujeedada mashruucan ayaa ah in Mareykanku noqdo hoggaamiye dhanka tignoolajiyada blockchain. Wasiirka Ganacsiga ee Mareykanka wuxuu sheegay in:

“Tani waa tallaabo xoojinaysa kalsoonida xogta Mareykanka, waxaana rajeynaynaa in dunidu ay u isticmaasho saldhig macluumaad oo la isku halleyn karo.”

Mashruucan wuxuu sidoo kale la jaanqaadayaa horumarka Web3 iyo isbeddelka caalamiga ah ee ku wajahan tignoolajiyada daahfurnaanta iyo smart automation.

Ugudambeyn Mustaqbalka Xogta Waa On-Chain

Dowladda Mareykanka waxay si cad ah u muujisay in ay diyaar u tahay in ay tillaabo horumarineed ka qaado sidii xogta dhaqaalaha u noqon lahayd mid cad, La heli karo, La isku halleyn karo

Tani waxay abuuraysaa fursado badan oo horumarineed, gaar ahaan dhanka fintech, data science, iyo blockchain innovation.

Su’aasha hadda la is weydiinayo waa  Dalalka kale ma raaci doonaan waddadan?

MAKTABADA.NET