Trump Crypto Policy Report 2025 ayaa la shaaciyay 30-kii July 2025. Koox rasmi ah oo uu magacaabay Madaxweyne Trump ayaa soo saartay warbixin sharciyeed oo qoto dheer. Warbixintu waxay dib u qaabaynaysaa siyaasadda suuqyada crypto ee Mareykanka. Sidoo kale, waxay si gaar ah u taabanaysaa arrimaha sida kala saaridda SEC iyo CFTC, horumarinta DeFi, iyo isticmaalka stablecoins. Intaa waxaa dheer, waxaa lagu soo bandhigay wax ka beddelka canshuuraha crypto

Kala Saarista SEC iyo CFTC: Tallaabo Loo Baahan Yahay

Warbixintu waxay si cad u dalbanaysaa in la kala saaro token-yada la ganacsado (oo ay maamusho CFTC) iyo kuwa loo aqoonsado securities (oo ay maamusho SEC). Tani, waxay xoojinaysaa kala caddeynta xeerarka, taas oo ah arrin muddo dheer lagu jahwareersanaa.

Bangiyada iyo Custody Albaab Furan oo Cusub

Waxaa sidoo kale lagu taliyay in bangiyada laga dhigo kuwo awood u leh inay qabtaan custody ama kaydinta crypto, iyo in la sahlo habka shatiga banginimada. Tani, waxay muhiim u tahay shirkadaha raba inay si rasmi ah uga qeyb qaataan suuqa crypto.

Stablecoins: Doolarka Mareykanka Waa Inuu Hogaamiyaa

Warbixinta waxay si xoog leh u taageertay isticmaalka stablecoins ku xiran doolarka Mareykanka, iyadoo qayb ka ah GENIUS Act – sharci cusub oo la saxiixay. Ujeedadu waa in la ilaaliyo doolarka sida lacagta caalamiga ah ee la aamini karo.

DeFi iyo Sandboxes Sharciyeed: Fursad Horumarineed

Waxaa la dhiirrigeliyay horumarinta DeFi (maaliyadda-daah-furan) iyadoo la adeegsanayo regulatory sandboxes, taasoo fursad siinaysa hal-abuurayaasha fintech inay tijaabiyaan adeegyo cusub iyagoo aan ka baqayn sharci ad-adag marka hore.

Diidmada CBDCs iyo Aragti Xorriyadeed

Warbixinta ayaa si cad u muujisay in dowladda Trump aysan taageerayn abuurista CBDCs (Central Bank Digital Currencies), iyadoo loo arko khatar ku ah xorriyadda maaliyadeed ee dadweynaha.

Canshuuraha Crypto iyo Xeerar Cusub Oo Laga Filayo

Warbixintu waxay si gaar ah u taabatay arrimaha canshuuraha crypto, iyadoo la soo jeediyay in la hirgeliyo:

Wash sale rules ee lagu dabaqi karo crypto

Caddaymo iyo xeerar ku saabsan staking, mining, iyo

Fududeynta canshuurta wax kala iibsiga yar-yar (microtransactions)

Strategic Bitcoin Reserve

Inkasta oo Trump bishii March 2025 uu saxiixay amar ku saabsan abuurista Strategic Bitcoin Reserve, warbixintan cusub kama aysan hadlin wax qorshe ama faahfaahin ah oo ku saabsan sida reserve-kaas loo fulinayo. Arrintani, waxay dhalisay su’aalo badan, iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan in qorshahaas uu yahay mid siyaasadeed oo aan sal lahayn.

Warshadaha Farxad iyo Walwal Isku Jira

Inta badan shirkadaha fintech iyo crypto waxay warbixinta u arkeen guul sharciyeed, inkasta oo ay jiraan walaacyo ku saabsan:

Is-qabqabsi siyaasadeed oo la xiriira Trump iyo danaha qoyska

Shirkado sida $Trump token oo keeni kara khilaaf danaha dadweynaha iyo ganacsiga

Gunaanad Ma Bilaabatay Golden Age of Crypto?

Waxaa la isweydiinayaa haddii aan ku jirno “Golden Age of Crypto” Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha qorshaha Bitcoin Reserve waxay keenaysaa in dad badan su’aalo iska weydiiyaan ujeedada dhabta ah ee qorshahaas.

MAKTABADA.NET