Posted on

Maxaa kordhiya hantida.

Caalamka maanta hadaad fiiriso, dadka maal-qabeenka ah wey sii koreysaa hantidooda, halka dadka saboolka ah ay dhulka sii gaalaayaan. Maxaa sababay?

Buugga uu qoray 𝐑𝐨𝐛𝐞𝐫𝐭 𝐓.𝐊𝐢𝐲𝐨𝐬𝐚𝐤𝐢 ee lagu magacaabo 𝐑𝐈𝐂𝐇 𝐃𝐀𝐃, 𝐏𝐎𝐎𝐑 𝐃𝐀𝐃, 1997-kii, oo ka hadlay arrimaha ku saabsan in qani la noqdo ama hantiile iyo faqiir ayaa ka sheekeeyay noloshii adkeyd ee uu soo maray, sida uu horumar uga sameeyay nolosha isaga oo ku dheeraaday ka hadalka waxyaabo badan oo ay ku kala duwan yihiin marka ay timaado nolosha dadka taajiriinta ah iyo kuwa faqiirada ee aan waxba heysan.

Waxaan halkaan kusoo gudbineynaa 5 sababood oo ay tahay in cashar laga barto oo ku saabsan hab fikirka bulshada marka ay timaado qaninnimada iyo faqriga.

1. Waxaa macquul ah inaad taqaano qof lacag yar ku shaqeeyo, marwalbana lacag heysto islamarkaana uusan weligiina noqon qof jeeb maran, lkn dadku waa ay u yimaadaan iyagoo leh wax ideymi ama wax iiraadi. (Qofkaas wuxuu yaqaan sidii uu u maareyn lahaa Shilimaadka Soo gala).

2. Shaqaalenimadu waa xal kumeel gaar ah oo aad ku maareyso nolosha; waligaa hadii aad shaqeyso ma noqoneysid qof qani ah.

3. Qofka saboolka ah Caruurtiisa waxa uu baraa sidii Ilmihiisa ay shaqo u heli lahaayeen, halka Aabaha Qaniga uu Caruurtiisa baro sidii ay Shaqo u abuuri lahaayeen ama ay u noqon lahaayeen Shaqo sameeyayaal.

4. Aabaha Qaniga ah Caruurtiisa wuxuu baraa waxa ay tahay lacagta iyo sidii ay u maareyn lahaayeen, halka Aabaha Saboolka uu Caruurtiisa kula taliyo in ay waxbartaan si ay shaqo u helaan.

5. Sababta Maal-qabeenada Hantidoodu usii Kororto waa in ay yaqaanaan sida Lacagta loo sameeyo iyo sida ay Lacagta u shaqeyso.