Sannadka 2025, cilad 36-daqiiqo ah oo ku timid adeegyada Amazon Web Services (AWS) ee xarunta Tokyo waxay hakisay hawlo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed iyo adeegyada dowladeed. Arrintani waxay si toos ah u muujisay halista ka iman karta marka adeegyada muhiimka ah lagu tiirsanaado hal il-beeg (centralized system). Marka il dhexe laga hakiyo, dhibaatooyinka soo baxa waxay saamayn karaan nidaamyada nolosha maalinlaha ah ee malaayiin qof.

Hal meel oo xogta laga maamulo waa khatar weyn

Khataraha Xogta ee ku Jira Hal Ilbeeg (Centralized System), Tusaale cad qorshaha hay’adda canshuuraha ee Maraykanka (IRS), oo doonaysa inay sameyso barnaamij weyn oo lagu mideynayo dhammaan xogaha canshuuraha shacabka, loona yaqaan “Mega API”. Ujeedadu waa in la fududeeyo adeegyada, balse haddii barnaamijkan hal meel ku tiirsan uu jabo ama la jabsado, waxaa dhici karta in xogta malaayiin qof la xado ama si khaldan loo adeegsado.

Tusaale ahaan, haddii cilad ku dhacdo xilli canshuuraha la ururinayo, hal qof Kaliyah dhibaato kuma dheceyso, balse malaayiin qof xogtooda ayaa halis gelaysa. Taasi waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo nidaamyo ammaan badan oo aan ku tiirsaneyn meel keliya.

Decentralization  Xalka Mustaqbalka

Sidee Decentralization u Badbaadin Karaa Xogtaada Mustaqbalka? Teknoolojiyada ku saleysan decentralization waxay bixisaa beddel amni ah. Nidaamyadan waxa ay xogta iyo awoodda u kala qeybiyaan qaybo badan (nodes), halkaas oo mid kasta si madaxbannaan u shaqeynayo. Gelitaanka xogta waxaa lagu xaqiijiyaa habab adag oo cryptographic ah, iyadoo macluumaadka lagu kaydiyo “on-chain” si loogu ilaaliyo hufnaan iyo amni.

Tusaale ahaan, dowladda waxay isticmaali kartaa smart contracts si loogu xaqiijiyo in adeegyo sida canshuur celin la bixiyo iyadoo aan xogta shakhsiga si toos ah loo muujin. Tani waxay ilaalinaysaa asturnaanta qofka isla markaana kor u qaadaysa kalsoonida nidaamka.

Maxay Tahay Tallaabada Xigta?

Bulshada waxaa la gudboon iney si feejigan u eegto sida xogtooda loo maareeyo. Waxaa muhiim ah in dadku helaan xuquuq ay ku ogaadaan cidda haysta xogtooda, iyo habka ay xogtooda u socdaasho. Hal ilbeeg oo jabo sida AWS Tokyo ayaa sababi kara dhibaato guud oo dhaqaale iyo mid bulsho.

Gunaanad

Adeegsiga nidaamyada hal-ilbeegga ah wuxuu wataa khataro ay ka mid yihiin: jabsasho, cilado farsamo, khaladaad siyaasadeed, iyo xakameyn aan hufnayn. Waxaa la ogaaday in marka xogta lagu tiirsanaado hal meel, ay korodho khatarta luminta xogta ama adeegyada muhiimka ah.

Haddaba, waxa muhiim ah in loo wareego nidaamyo decentralize ah oo bixiya:

Amni dheeraad ah

Asturnaanta xogta

Daahfurnaan iyo xakameyn adeegsade

Tallaabooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah:

Isticmaalka smart contracts

Adeegsiga zero knowledge proofs

Ku shaqeynta hababka blockchain si loo yareeyo khataraha xogta.

Ugu dambayn, mustaqbalka xogta iyo adeegyada muhiimka ah wuxuu ku xirnaan doonaa sida aan uga guurno hal ilbeeg una aado nidaamyo furan oo la isku haleyn karo. Decentralization ma ahan keliya horumar farsamo ee waa baahi degdeg ah oo ku saabsan badbaadada xogta iyo xoriyadda dijitaalka ah.

MAKTABADA.NET