Maalin kasta, go’aammo dhaqaale oo saameeya nolosha malaayiin qof ayaa laga gaaraa adduunka oo dhan. Laakiin weligaa ma is weydiisay, yaa ka dambeeya go’aamadaas? Waxaa jirta shirkad si aamusan u maamusha hanti ka badan tan waddamo badan oo waaweyn taasi waa BlackRock.
Taariikh kooban shirkadda BlackRock
Si fudud haddii aan u dhigno, BlackRock waa shirkad maareysa hantida (asset management) ee ugu weyn dunida. Waxaa la aasaasay sanadkii 1988 si ay u bixiso adeegyo maalgashi oo ay ku jirto maaraynta khatarta (Risk Management). Waxaa aasaasay Larry Fink iyo kooxdiisa, markii hore waxay ku soo gashay suuqa magaca Blackstone, ka hor intaanay si buuxda u noqon shirkad madax-bannaan. iyadoo ujeedada BlackRock ahayd in ay ka shaqeyso maarayn khataraha iyo maamul ee hanti oo casri ah. Larry Fink iyo kooxdiisa waxay ka bilaabeen shirkad yar oo leh aragti ah in khatarta loo maamulo si adag si loo ilaaliyo maalgashiga macaamiisha.
Intii lagu jiray 1999. BlackRock waxay si degdeg ah u kortay sannadihii xigay, waxayna la midoowday ama la wareegtay shirkado kale oo muhiim ah:
- 2006: waxay la wareegtay Merrill Lynch Investment Managers, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee asset management.
- 2009: waxay la wareegtay qayb ka mid ah Barclays Global Investors, oo ay ku jirto iShares, taas oo BlackRock ka dhigtay hormuudka ETFs dunida.
Horumarka ay sameysay Shirkadda
BlackRock waxay iska diiwaangelisay suuqa saamiyada (IPO) si ay u hesho maalgelin dheeraad ah oo ay ku ballaariso adeegyada ay bixiso. BlackRock ma laha hantida ay maamusho. Waxay matalaysaa macaamiisheeda oo ay ka mid yihiin:
- Shakhsiyaad
- Shirkado waaweyn
- Sanduuqyada hawlgabka
- Iyo Dowlado
Waxay lacag ku sameysaa iyadoo qaadata khidmad yar (fee) oo ku saleysan hantida ay maamusho. Shirkaddu waxay sheegtaa in hadafkeedu yahay: “Inay dadka caawiso inay dhisaan mustaqbal maaliyadeed oo ka wanaagsan.” Waxay xooga saartaa adeegyo ay ka mid yihiin maaraynta hantida, maaraynta khatarta, adeegyo la-talin iyo xalal dhanka maaliyadda ah oo caalami ah.
Hadda BlackRock waxay maamushaa hanti kor u dhaafeysa $10 ilaa $11 trillion. Si aad u fahamto baaxaddaas: lacagtaasi waxay ka badan tahay dhaqaalaha waddan kasta oo adduunka ah marka laga reebo Maraykanka iyo Shiinaha. BlackRock waxay leedahay saamiyo badan oo matalaya macaamiisheeda shirkado waaweyn sida Apple, Microsoft, Amazon, iyo Coca-Cola. Waxay ka codeysaa go’aamada muhiimka ah ee shirkadahaas.
Sidee Ayay BlackRock u Shaqeysaa?
Maalgelinta Macaamiisha (iShares)
BlackRock waa hormuudka ETFs (Exchange Traded Funds) iyada oo loo marayo summadda iShares. Tani waxay dadka u suurtogelinaysaa inay si fudud u maalgashadaan saamiyo kala duwan hal mar oo kaliya.
Teknoolajiyadda Aladdin
BlackRock waxay leedahay nidaam sir ah oo loo yaqaan Aladdin (Asset, Liability, Debt and Derivative Investment Network). Waa software falanqeeya boqollaal milyan oo xog maalgashi si loo qiimeeyo khataraha iyo fursadaha. Aladdin waxaa isticmaala bangiyo, shirkado, iyo dowlado.
Saameynta BlackRock
- Dowlado badan, sida Maraykanka, waxay mararka qaarkood adeegsanayaan BlackRock si ay uga caawiso la tacaalidda dhibaatooyinka dhaqaale.
- Maamulaha guud ee shirkadda, Larry Fink, wuxuu sannad kasta warqad u diraa hoggaamiyeyaasha shirkadaha ay maalgashadaan. Warqaddan ayaa saamayn weyn ku leh jihada shirkadaha caalamka, isagoo diiradda saara arrimo sida mas’uuliyadda bulsho iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada.
Dhaliisha Loo Jeediyo BlackRock
In kasta oo ay tahay shirkad hormuud ah, haddana waxaa jira dhaliilo ay la kulanto:
- Waxaa lagu eedeeyaa inay leedahay awood dhaqaale oo ka badan tan qaar ka mid ah dowladaha, taasoo keenta cabsi ah in ay noqoto mid “aad u weyn oo aan la burburin karin” (too big to fail).
- Inkasta oo ay sheegto inay taageerto tamarta nadiifka ah, haddana waxay weli maalgelisaa shirkado shidaal qoda.
- Meelo badan oo adduunka ah, BlackRock waxaa lagu dhaliilay inay kor u qaaday qiimaha guryaha iyada oo iibsata guryo badan oo loogu talagalay maalgashi.
Qorsheyaasheeda Mustaqbalka
BlackRock waxay qorsheyneysaa:
- Inay ballaariso maalgashiga private markets sida private equity iyo credit.
- Inay ku sii xoojiso adeeggeeda tiknoolajiyadda (Aladdin + AI).
- Inay sii ballaariso adeeggeeda caalamiga ah, oo ay ku jiraan suuqyada soo koraya sida India iyo Afrika.
Gunaanad
BlackRock waa awood weyn oo aan inta badan dadku si toos ah u arkin, balse saamayn weyn ku leh dhaqaalaha iyo nolosha caalamka. Laga bilaabo sanduuqyada hawlgabka, ilaa qiimaha guryaha, ilaa jihada ay u socdaan shirkadaha waaweyn BlackRock waxay qayb weyn ka tahay dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dunida maanta. Fahamka doorkeeda wuxuu naga caawinayaa inaan si fiican u fahamno sida uu u shaqeeyo nidaamka maaliyadeed ee casriga ah.
Maktabada.net