Maxaa Sababa in Maalqabeenku Hantidiisa Sii Kordhiyo? Casharro Nolosha Dhabta ah ka Yimid Rich Dad, Poor Dad

Haddii aad indhaha ku hayso xaaladda dhaqaale ee maanta, waxaad dareemi kartaa farqiga sii fidaya ee u dhexeeya kuwa hantida leh iyo kuwa saboolka ah. Taajiriintu maalintii maalkeed ayay korodhsadaan, halka saboolkuna weli isla halkii ku cago. Haddaba maxaa sir ah oo meesha ku jira?

1997-kii ayuu qoraaga caanka ah ee Robert T. Kiyosaki qoray buuggiisa caanka noqday Rich Dad, Poor Dad. Buuggaas wuxuu si xeel dheer u falanqeeyay labo qaab-fikir oo nolosha ku kala duwan: mid uu lahaa aabihiisii dhabta ahaa oo sabool ah, iyo mid uu ka baran jiray ganacsade saaxiib la ahaa, oo hodan ah. Waxa uu buuggu daaha ka rogay sababaha dadka qaar lacagta u dhistaan halka kuwa kalena ay la daalaan dhacayaan.

Haddaba bal aan isla eegno 5 cashar oo muhiim ah oo buuggaas laga baran karo, kuwaas oo kaa caawin kara inaad si ka duwan u aragto lacagta, shaqada, iyo mustaqbalkaaga.

1. Maal ma xuma haddii aad taqaanid sida loo maareeyo

Waxaa laga yaabaa inaad taqaano qof aan lacag badan helin, balse aan waligiis jeeb maran noqon. Wuxuu si fiican u yaqaanaa siduu u maareeyo wixii yar ee soo gala. Waxaa intaa dheer, dad ayaa u yimaada si ay wax uga amaahdaan ama talo uga helaan. Waxaas oo dhan waxay ku yimaadeen hal sabab: maamul wanaagsan. Sidaa darteed, ma ahan inaad sugeyso lacag badan, ee waa inaad barato sida loo hago tan yar ee gacantaada ku jirta.

2. Shaqo kaliya noloshaada ma beddeli karto

Haa, shaqo fiican waxay kuu keeni kartaa nolol xasilloon. Laakiin waligaa miyaad aragtay qof shaqo 30 sano haystay oo haddana aan wax hanti ah laheyn? Sababtu waxay tahay in shaqaalenimadu aysan ku filnayn in lagaa dhigo qof taajir ah. Ganacsi, maalgelin, iyo maskax hal-abuur leh ayaa ah jidka loo maro hanti dhisid dhab ah.

3. Qani iyo sabool caruurtooda waxay u baraan labo aragti oo kala duwan

Qofka saboolka ah wuxuu caruurtiisa ku dhiirrigeliyaa inay waxbartaan si ay u helaan shaqo fiican. Laakiin qofka maal-qabeenka ah wuxuu ubadkiisa baraa sida loo abuuro shaqooyin iyo ganacsi. Waa farqi yar oo fikrad ah, balse natiijada ay dhalin karto waa mid aad u weyn.

4. Taajirku caruurtiisa wuxuu baraa waxa ay tahay lacag

Aabaha qaniga ah caruurtiisa wuxuu baraa sida lacagta u shaqeyso. Wuxuu u sheegaa inay barteen halka ay lacagtu ka timaado, halka lagu badiyo, iyo sida looga dhigo mid kuu shaqeysa adigoon adigu noloshaada oo dhan u shaqeynayn. Halka aabaha saboolka ah caruurtiisa ku dhiirogeliyo: “Wax barta si aad shaqo fiican u heshaan.”

5. Sababta ay taajiriinta u sii taajiraan

Hantidoodu ma kordho si lama filaan ah. Waxay yaqaanaan sida loo sameeyo lacag, sida lacagtu u shaqeyso, iyo goorta ay tahay in la maalgashado ama la hakiyo. Tani waa waxa ay kaga duwan yihiin kuwa aan cilmi dhaqaale laheyn ama aan weligood is weydiinin: Lacagtani ma iga shaqeyneysaa mise anaa u shaqeynaya?

Gunaanad

Qof walba wuu leeyahay rajo uu noloshiisa ku horumarin karo. Laakiin rajadaas uma shaqeyn karto qof aan qaadan tallaabooyin wax ku ool ah. Haddaba, naftaada weydii:

  • Ma baratay sida lacagtu u shaqeyso?
  • Ma fahamtay sababta aad weli uusan jeebkaagu u buuxsamin?
  • Mise weli waxaad sugeysaa mushaharka bisha dambe?

Waxaa laga yaabaa in maanta aad bilowdo akhrinta buuggan Rich Dad, Poor Dad, waana suuragal inaad noloshaada dhaqaale wax ka beddesho, adigoo bilaabaya inaad si ka duwan u fikirto.

Maktabada.net