Suuqa Ethereum wuxuu galay marxalad xiiso leh kadib markii laba shirkadood oo Waaweyn SharpLink Gaming iyo BitMine ay bilaabeen inay arursadan Ethereum (ETH). Dhaqdhaqaaqan ballaaran ee ay sameeyeen hay’adahani wuxuu saameyn muuqata ku yeeshay qiimaha ETH iyo saadaashiisa mustaqbalka dhow, taasoo dareen cusub ku abuurtay suuqyada crypto.
Hay’adaha Maalgashiga SharpLink iyo BitMine Oo Ku Tartamaya ETH:
Shirkadaha SharpLink iyo BitMine waxay si weyn u ballaariyeen kaydkooda Ether, taasoo muujinaysa kalsooni ay ku qabaan koboca mustaqbalka ee ETH.
SharpLink Gaming waxay ku iibsadeen ETH qiimo dhan $258.9 milyan, taasoo wadarta Ether ay haystaan ka dhigeysa 360,807 ETH.
BitMine iyaduna waxay shaacisay inay heysato 300,657 ETH, ayna qorsheyneyso in ay gaarto ilaa 5% sahayda guud ee Ether la daabacay.
Iibsiyada noocan ah waxay yaraynayaan sahayda suuqa ku jirta, taasoo keeni karta cadaadis kor u kaca qiimaha Eth
Qiimaha Ether oo Heer Xasaasi ah Marayo:
Qiimaha ETH ayaa hadda hoos ugu dhacay ilaa $3,745, taasoo u muuqata in qaar ka mid ah maalgeliyeyaasha ay faa’iido qaateen. Si kastaba ha ahaatee, suuqan ayaa si buuxda u muujinaya suurtagalnimada koror ama hoos u dhac:
Haddii uu hoos uga sii dhaco, wuxuu taaban karaa heerka Fibonacci retracement 38.2% oo ah $3,494.
Haddii uu jabin karo 50-EMA ee agagaarka $3,604, waxaa dhici karta in ETH uu gaaro ilaa $3,234 ama xitaa $2,904.
Laakiin haddii uu qiimuhu ka sarreeyo $3,860, waxaa furmi kara waddo lagu gaari karo $4,094, taasoo ka dhigan in yoolka $4,000 uu si dhab ah u muuqdo.
Calaamadaha Technical ka oo u muuqda mid sugaya jiho cad:
Marka loo eego charts ka ETH/USDT ee 4H, waxaa muuqda calaamado farsamo oo muujinaya xaalad sugitaan ah:
RSI wuxuu u dhacay bartamaha, taasoo muujinaysa in suuqa uusan weli muujin doonin jiho cad.
Suuqa wuxuu haatan ku jiraa xaalad isku dheellitiran, oo u dhexeeya xoog iibsasho iyo cadaadis iib.
Heerka $3,860 ayaa noqday mid go’aamin kara jihada haddii la jebiyo, koror xooggan ayaa iman kara. Haddii hoos looga dhaco, burbur kale ayaa suuragal ah.
Iibsiga hay’adaha waaweyn wuxuu yaraynayaa supply-ga ETH, taasoo kor u riixaysa qiimaha:
Suuqa Ether wuxuu dareemayaa saameynta tooska ah ee ay keenayaan iibsiyada hay’adaha waaweyn:
SharpLink waxay keliya ku darsatay 79,949 ETH inta lagu guda jiro wareeggan cusub, taasoo keentay yaraansho muuqata oo ah mid kor u qaadi karta qiimaha.
BitMine waxay sheegtay inay sii wadi doonto ururinta ETH si ay u gaarto qeyb muhiim ah oo ka mid ah sahayda guud.
Tani waxay xoojinaysaa dareenka maalgashadayaasha ee ah in ETH uu leeyahay mustaqbal koritaan oo xooggan.
Gunaanad ETH oo Ku Jira Xilli Go’aan Ah:
harpLink iyo BitMine ma raadinayaan kaliya fursado maalgashi. Waxay u dhaqmayaan sidii hay’ado saamayn ku leh jihada suuqa Ethereum. Iibsiyadooda xoogan iyo yaraanta sahayda waxay sare u qaadeen suurtagalnimada in ETH gaaro $4,000. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha wali wuxuu ku jiraa xaalad xasaasi ah.
Talo Maalgashadayaasha:
Markaad qiimeyneyso fursadaha Ether, ka fiirso arrimaha soo socda
Heerarka muhiimka ah ee taageerada iyo iska caabinta (support & resistance).
Calaamadaha RSI iyo EMA ee farsamo ahaan muhimka ah.
Dhaqdhaqaaqa shirkadaha waaweyn iyo iibsiyada ay sameynayaan.
Xaaladda guud ee suuqa crypto iyo isbedellada dhaqaale ee la xiriira.