Suuqa lacagaha dhijitaalka ah wuxuu Todobaadkan galay marxalad cusub oo xiiso leh, iyadoo Bitcoin uu xasilloon yahay halka altcoins-ka ay si weyn ugu faa’iideysanayaan xaaladdaas. Halkan hoose waxaan ku eegaynaa shan arrimood oo Muhiim ah oo si dhow loogu baahan yahay in  isha lagu hayo.

Bitcoin oo Xasilooni laga daremaya Kadib Markii uu Taabtay Heerkii Ugu Sareeyay (ATH)

Bitcoin wuxuu gaaray rikoodh cusub oo ah $123,000, taasoo suuqyada keentay kacsanaan xooggan. Hase yeeshee, qiimaha ayaa si degdeg ah hoos ugu dhacay $116,000 ka hor inta uusan si tartiib ah uga soo kaban $119,000.

Ganacsatada qaar waxay ka digeen in haddii sare u kaca uu u ekaado “wick” toosan (tusmo ah in kor u kacaas  hoos U dhici karo), oo dhici karo in qiimaha hoos ugu dhaco $114,000 si loo buuxiyo farqiga CME. Tani waxay noqon kartaa fursad uu suuqu is ku hagaajiyo.

Yoolka Qiimaha Miyaa lagari donna $130,000 ?

Falanqeeyayaal badan waxay rumeysan yihiin in Bitcoin uu wali wado kor u kac ah, iyadoo la filaya inuu gaari karo $130,000 laba ilaa saddex toddobaad gudahood. Qaar kale waxay saadaalinayaan in marka la gaaro dhammaadka sanadka (Q4), qiimuhu uu u dhowaan karo $150,000 ilaa $160,000.

BitBull waxay sheegtay in suuqa xasilooni kadib uu Bitcoin mar kale kor u kici karo. Qiimaha wuxuu dhaafi karaa $130,000 dhowaan, wuxuuna gaari karaa $160,000 marka la gaaro Q4.

Altcoins  oo sare u kac laga dereemey

Bitcoin ayaa istaagay, taasoo siisay altcoins fursad ay ku koraan. Saamiga suuqa ee Bitcoin ayaa hoos u dhacay, taasoo muujinaysa in maalgeliyayaashu ay si weyn u daneynayaan altcoins-ka

ETH (Ethereum) iyo XRP ayaa noqday kuwa ugu waxqabadka sarreeya toddobaadkan, taasoo muujinaysa kalsoonida maalgeliyeyaasha ee suuqa kale ee ka baxsan Bitcoin.

Qiimaha Guud ee Altcoins-ka ayaa garey $1.5 Tiriliyan

Qiimaha guud ee altcoins-ka (oo aan ku jirin Bitcoin) wuxuu toddobaadkan gaadhay $1.5 tiriliyan,  heer aan la arag tan iyo bishii Janaayo 2025. Kacdoonkan waxaa sababay lacag cusub oo stablecoins ah oo suuqa la geliyay, taasoo tilmaamaysa wareeg maaliyadeed oo loo guurayo altcoins.

Saadaasha Mala-Awaalka  Miyey Altcoins-ku Gaarayaan $5 Tiriliyan?

Xog ururin laga sameeyay suuqa ayaa muujisay in qiimaha guud ee altcoins-ka aan Bitcoin iyo Ethereum ku jirin (TOTAL3) uu galay marxalad koror ah oo hore. Waxaa la saadaaliyay in qiimuhu gaaro $5 tiriliyan,  taas oo ah 400% koror marka loo eego heerka hadda.

Tani waxay tusaale cad u tahay in altseason-ku aanu ahayn kaliya wareeg gaaban, balse uu noqon karo mid soconaya muddo dheer oo ay ka dhalan karaan fursado dhaqaale oo badan.

Gunaanad  Maxaa Lagu Filan Karaa Suuqa?

Bitcoin wuxuu muujinayaa xasilooni, laakiin suurtogalnimada koror kale weli waa mid xooggan, gaar ahaan marka la gaaro Q4.

Altcoins si muuqata ayey ugu horeeyaan suuqa, iyadoo taageero ka helaya dhaq-dhaqaaqa stablecoins iyo wareegga maalgashiga.

Haddii hoos u dhaca Bitcoin dominance uu sii socdo, altseason-ka rasmi ah wuxuu noqon karaa mid dheer oo xoogan.

Talooyin Muhiim u ah Maalgashadayaasha ah

Haddii aad suuqan ku jirto ama xiisaynayso inaad gasho:

La soco saamiga uu Bitcoin ka leeyahay suuqa guud (dominance).

Daba soco dhaqdhaqaaqa stablecoins-ka oo tilmaamaya halka ay maalgashadayaashu u socdaan.

Qiimee saadaalaha la xiriira altcoins-ka oo sii ballaaranaya.

Fiiro gaar ah: Suuqa crypto waa mid isbedbeddelaya, haddaba go’aannada maalgashi ku saleyso cilmi, faham suuqeed, iyo dulqaad badan.

MAKTABADA.NET