Qiimaha guud ee suuqa Cryptocurrency-ga ayaa markii ugu horreysay taariikhda gaaray $4 tiriliyan, taasoo astaan u ah koboc weyn oo ka socda suuqyada hantiyaasha dijitaalka ah. Kororkani wuxuu yimid kadib markii la ansixiyay sharci cusub oo Mareykanka nidaaminaya stablecoins, taasoo sare u qaaday kalsoonida maalgashadayaasha iyo xasilloonida guud ee suuqyada crypto.
Sharci Taariikhi Ah oo Lagu Maareynayo Stablecoins
Sharciga cusub ee la yiraahdo “Genius Act” ayaa noqday xeerkii ugu horreeyay ee heer federaal ah oo si rasmi ah u nidaamiya stablecoins, Cryptocurrency-ga kuwaas oo ah lacagaha crypto ee ku xiran lacag dhab ah sida dollarka Mareykanka.
Sharcigan waxaa ansixiyay Aqalka Wakiilada cod aqlabiyad ah (308 ogol, 122 diidmo), kadib markii horey uu u ansixiyay Golaha Senate-ka.
Qodobada ugu waaweyn ee uu sharcigu xeerinayo:
- Shirkadaha sameeya stablecoins waa in ay haystaan kaydad lacag dhab ah oo caddeyn leh.
- Waxaa waajib ah la xisaabtan joogto ah iyo hufnaan maaliyadeed.
- Hay’adaha dawladda ayaa si rasmi ah ula socon doona nidaamka lacagaha dijitaalka ah.
Arrintan waxay fure u tahay in la helo suuq crypto ah oo lagu kalsoonaan karo. Suuqan ayaa sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan kara dhaqaalaha casriga ah ee Maraykanka iyo dunida inteeda kale.
Saameynta Suuqa ee Bitcoin, Ether iyo Altcoins oo Kordhay
Markii uu soo baxay sharcigan, qiimaha hantida dijitaalka ah ayaa si toos ah u kacay. Bitcoin (BTC) iyo Ethereum (ETH) ayaa la arkay iyagoo sare u kacaya, iyadoo Ether kaliya 10 maalmood gudaheed kor u dhaaftay 22%. Altcoins badan sida Solana, Cardano, iyo Avalanche ayaa sidoo kale la socda kororka.
Waxa kale oo muhiim ah in kororkan uu yimid xilli lagu guda jiro toddobaad loo bixiyay “Crypto Week”, taasoo Golaha Wakiillada ay sidoo kale ku ansixiyeen laba sharci oo kale oo muhiim ah:
Labada sharci ee kale ee la ansixiyay:
- Clarity Act – waxay sharxaysaa sida loo kala saaro crypto-yada: hanti, lacag, ama securities.
- Anti-CBDC Surveillance Act – waxay ka hortagtaa lacag dijitaal ah oo dowladda dhexe si buuxda u maamusho (CBDC).
Inkastoo labadan sharci aysan wali marin Golaha Senate-ka, haddana waxay muujinayaan isbeddel sharciyeed dhab ah oo uu Mareykanku wajahayo si uu ugu gacan qabto horumarka dhaqaalaha dijitaalka ah.
Maxay ka Dhigan Tahay Mustaqbalka Crypto?
Ansixinta Genius Act waxay calaamad u tahay bilowga xilli cusub oo sharciyeysan ee crypto. Waxaa la filan karaa in:
- Maalgashadeyaal badan, oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba ay ka mid yihiin, ay si kalsooni leh u galaan suuqyada.
- Bangiyo iyo hay’ado dhaqaaleba ay bilaabaan isticmaalka stablecoins si rasmi ah.
- Mareykanku uu noqdo hogaamiye sharciyeed oo caalami ah marka laga hadlayo nidaaminta crypto.
Sharcigan wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa hal-abuurnimada (innovation), isagoo isla markaa ilaalinaya xorriyadda maaliyadeed ee muwaadiniinta.
Gunaanad
Suuqa crypto wuxuu galay weji u sharciyeysan taariikhda. Kalsoonida ay dowladda Maraykanka gelisay nidaaminta stablecoins waxay sare u qaaday sumcadda iyo xasilloonida suuqyada. Haddii sharciyadan cusub si buuxda loo dhaqan geliyo, waxa la filayaa in qiimaha crypto uu sii kordho, isla markaana ay maalgashadayaashu helaan jawi ammaan ah oo sharciyeysan.